Created on July 2021

SIYAASADA SOO CELINTA ALAABTA IYO SOO CELINTA LACAGTA.

 

SIYAASADANI WAA MID KHUSAYSA IIBIYAHA IYO IIBSADAHA WAXAANAN UGU TALO GALNAY INAY YARAYSO KHILAAFKA KA IMAN KARA ALAABTA IIBSADUHU SOO CELIYO IYO LACAG CELINTA IIBSADUHU SOO DALBADO.

 

  1. ALAABAHA CUSUB

Dhamaan Meheradlayda ku dhex ganacsata Suuqa Wayn ee KoobSade waxa ku waajiba inay ku iibin karaan Alaabta cusub oo kaliya gudaha Suuqa KoobSade.
Waxaan si taxadir leh ula socon doonaa una ansixin doonaa inay ku dhex ganacsadaan meheradaha iibinaya Alaabaha Cusub ee tayoda leh.

Suuqa KoobSade uma ogola in Meheradlaydu inay ku dhex iibiyaan KoobSade alaabaha Mustacmalka ah.

 

  1. Kansalida Alaabta(Joojinta Alaabta)

Suuqa KoobSade Wuxuu kuu ogolaanayaa inaad Kansal garayso alaabtaad iibsatay yadoo loo tix galinayo Shuruudaha hoos ku xusan.

 

  1. Alaabta la dalbaday ee lacagta labixiyay waxa la Kansal (iska Joojing) garayn karaa Hal (1) Saac gudahood intaan loo gudbin meheradlayda. Lacagta macmiilka marka loo celinayo waxa laga jari doonaa Boqolkiiba Hal(1%) uu Qaadanayo bank/Zaad/Edahab (sida caadiga ah dhamaan dalabaadka waxa loo gudbin doonaa meheradlayda hal (1) Saac gudahood).
  2. Macmiilku ma kansal(joojin) karo dalabkiisa hadii ay kasoo wareegto in kabadan Hal(1) Saac.
  3. Macmiilku haduu u baahdo in uu alaabta iska badalo waxa loo ogol yahay kaliya Hal (1) Saac gudahood inuu kusoo codsado isagoo isticmaalaya email ama telephonka Suuqa KoobSade. Badalida alaabtu waxay ku xidhnaan doontaa helitaanka alaabta macmiilku rabo.
  4. Alaabaha sida gaarka ah loo sameeyay ama Macmiilka si gaara loogu sameeyay ama loogu hagaajiyay lama Kansal garayn Karo.

 

  1. Soo Celinta Alaabta

Macmiilku Alaabta wuxuu soo celin Karaa oo Kaliyaata Markuu La kulmo Xaalada hoos ku xusan.

  1. Alaabtu inay jaban tay/aanay shaqaynin
  2. Alaabtu markay ka duwantay kuwuu macmiilku dalbaday
  3. Alaab khaldan oon tii macmiilka ahayn markuu helo macmiilku
  4. Midab aan ahayn kuu macmiilku dalbaday
  5. Alaabtu marka aanay lahayn Qaabkii (style) uu macmiilku ku xushay
  6. Qiyaasta alaabtu marka aanay ahayn tuu macmiilku dalbaday
  7. Tirada alaabtuu dalbaday aanay sax ahayn
  8. Alaabtu ay kala dhimantay

 

  1. Badalida/Alaab Kale Siin am Lacag Celing

 

Macmiilku markuu alaabta iibsado, Wuxuu Xaq u leeyahay inuu soo celin karo isagoo dalbanaya in alaabta laga badalo ama alaab kale loogu badalo amaba lacagta loosoo celiyo, Laakiin waa marka uu lakulmo Siyaasada kor ku xusan. Mamciilku haduu buuxiyo Shuruudaha soo celinta waa inuu si dagdag ah noola soo xidhiidho.

Waxa Alaabta Macmiilka laga celin karaa oo kaliyaata Marka alaabtu lahaato shuruudaha soo celinta sidoo kalena Marka Macmiilku soo celiyo alaabtu yadoo aan jabin, dhaawacmin, wadata kaartoonkii lagu soo riday, alaabtu dhamays tirantay iyo in alaabtu wadato waraaqihii lasocdoo dhan.

Marka Macmiilku alaabta soo celiyo waxa alaabta qiimayn doona oo baadhi doona Maamulka KoobSade ama Maamulka Meherada alaabta laga iibsday, waxaana Macmiilka loogu jawaabi doonaa 24 Saacadood gudahood.

 

Macnaha Badalid, waxaan ula jeednaa in laguugu badalo alaab lamida kuwaad dalbatay haday noqoto qiimaha , tayada iyo tiradaba.

Alaab Kale siin, Waxaan ula jeednaa hadii aan macmiilka loo helin Badalida alaabta waxa u soo jeedinaynaa macmiilkaa inuu ku badasho alaabaha kaleen hayno ee la qiimaha ah alaabtuu soo celiyay hadii kalena lacagta dheeraadka ah macmiilku bixiyo haduu qaato alaab ka qaalisan tuusoo celiyay.

Lacag Celin, Waxaan ula jeednaa hadii labada doorashe(option) ee sare aanay Jirin oo macmiilka loo waayo, waxa loo celin doonaa lacagtiisa, waxaana loogu shubi doonaa Akawnkii uu lacagta ku bixiyay mudo u dhaxay 5 ilaa 7 Cisho oo ah maalmaha shaqada. Hadii lacactaada ku waydo mudo 14 Cisho ah, fadlan nala soo xidhiidh.

 

Shuruudaha ku xidhan Badalida, Alaab Kale siinta ama Lacag Celinta:

  • Waxa macmiilku alaabta soo celin karaa markuu la kulmo shuruudaha kor ku xusan.
  • Lama Aqbalayo Macmiilku haduu soo celiyo alaab isagoo isticmaalay.
  • Hadii aad soo iibsato alaabo elektarooniga kuwaasoo aad ku kaydisay macluumaad shaqsi sida emaillka, fadlan hubi inaad kala baxday kana masaxday wixii macluumaad ah ee kuugu jiray elektaroonigaad soo celinaysid. Suuqa KoobSade iyo Meheradlayda ku dhex ganacsataa masuul kama aha hadii la isticmaalo macluumaadkaas siday doontaba hanoqotee. Alaabta lagu xidhay fure ama taabasho far, lama aqbali doono ilaa macmiilku kasaaro oo furo.
  • Alaabta Qaar ayaa waxay wadataa Siyaasad u gaara xaga soo celinta iyo  damaanad alaabta, Hadiiba jirto taasi, KoobSade masuul kama noqon doono waxaana la isticmaalayaa siyaasada  alaabtu wadato ee Warshada ama Meheradlaydu soo raacisay alaabta macmiilka.
  • Hadii Macmiilku aanu ku qancin alaabtuu iibsaday sabab la’aan, KoobSade ma ogalaan doono in lasoo celiyo lacagta.
  • Fawjarka hadyada ee KoobSade ama Meheradlaydu bixiyaan alaabta lagu iibsado lama soo celin karo, lamana badali karo.
  • Alaabta si guud la iskuugu iibsaday ama is wata lama soo celin kar, lamana badalayo.

 

Fiiro Gaara:

Hadii Meheradlaydu leedahay siyaasad u gaara oo ku saabsan Siyaasada Rarida iyo soo celinta, Macmiilku waxa ku waajiba inuu akhriyo siyaasadaas intaanu alaabta iibsan.

 

Siyaasadani waa mid elektarooniga waana heshiish u dhaxeeya, Macmiilka, Meheradlayda iyo KoobSade. Umana baahna Saxeex noocu doonaba hanoqdee,

Heshiishkan waajib ayay ku tahay inuu akhriyo Meheradlayda(iibiyaha) iyo Macmiilka(Iibsadaha)

Main Menu